4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 22, 2022
Ciidamada dowladda oo gacanta ku dhigay madaxii Al-shabaab u qaabilsana qaraxyada magaalada Marka

Axad, May, 22, 2022 (HOL) - Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 14-aad ee guutada 14 Oktoobar ee ka howlgasha magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose ayaa soo bandhigay sarkaal ay sheegeen inuu Al-shabaab u qaabilsana qaraxyada.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa magaciisa ku sheegay ninka gacanta lagu soo dhigay Aweys Mayow Eelaay oo ay tilmaameen inuu yahay madaxii qaraxyada Al-shabaab u qaabilsana magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose.

Saraakiisha ciidamada ayaa sidoo kale  sheegay in ciidanku qabteen sarkaalkaan Shabaabka ah xili uu ku howlanaa Aasitaanka miino, isla markaasna ay hada ku wadaan baaritaan dheeraad ah.

Waxaa sidoo kale saraakiisha ay sheegeen in ninkani hoygiisa laga soo qabtay qaraxyo isugu jira bamba gacmeedyo iyo Miinooyin kala duwan oo u badan nooca dhulka lagu aaso.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online