4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 21, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya weerar lagu dilay askar ka tirsan ciidanka dowladda oo ka dhacay degmada Balcad

Sabti, May, 21, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaare badan geystay oo Xalay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Barkoontarool oo ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin duuleedka degnada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in weerarka Al-shabaab ay Xalay ku qaadeen barta koontarool ee ku taala duuleedka degmada ay ku dhinteen lix askari oo ka mid ah ciidanka dowladda ee ku sugnaa bartakoontarool.

Dagaalyahanada Shabaab ee weerarka ka fuliyay koontaroolka duuleedka degmada Balcad ayaa la sheegay iney soo raaceen gaari shacab ah, iyagoona iska soo dhigay dad rakaab ah dabadeedna markii ay koontaroolka soo gaareen mar qura rasaas ooda uga qaaday ciidankii dowladda ee ku sugnaa bartakoontarool.

Weerarka ayaa socday daqiiqado aad u kooban maadama uu ahaa mid qorsheysan sida ay dadka deegaanka sheegaan, waxaana goobta si deg deg ah uga baxsaday ragii Al-shabaab ka tirsanaa ee weerarka fuliyay.

Isbuucii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Al-shabaab weerar bambo oo nooca gacanta lagu tuuro ay ku qaadeen Maqaayad ku taala Balcad oo ay fadhiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle, waxaana ku dhaawacay ilaa sadax xubnood oo uu ku jiray guddoomiyaha Maxkamada degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online