4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 21, 2022
Dowlad degaanka Soomaalida oo wali aan ka hadal dagaalka Soomaalida iyo Canfarta u dhaxeeya ee galbeedka gobolka Sitti
 

Sabti, May, 21, 2022 (HOL) - Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa jiray in dib uu dagaal uga dhex qarxay Soomaalida iyo Canfarta wada dega dalka Itoobiya, dagaalkan ayaa ka socday dhawr goobood oo kamid ah galbeedka gobolka Sitti ee degaanka Soomaalida gaar ahaan magaalooyinka Danlahelay iyo Cundhufo.

Khasaaraha ka dhashay dagaalladan ayaa siday wararku sheegayaan waxaa ku naf waayay dhawr qof tiro kalena way ku dhaawacmeen, iyadoo wararkii u dambeeyayna ay sheegayaan inay go'doonsan yihiin shacabka ku dhaqan magaalada Danlahelay, oo ay go'doomiyeen Maleeshiyaadka Canfarta, oo xiray jidka u dhaxeeya Danlahelay iyo Cundhufa.

Wali ma jiraan wax jawaab ah oo kasoo baxay dhanka dowlad degaanka Soomaalida, iyadoo sidoo kale aysan jirin wax gurmad ah oo loo fidiyay dadkii ku dhaawacmay dagaalladan.

Dagaalladan kasoo cusboonaaday Soomaalida iyo Canfarta ayaa kusoo hagaagaya xilli ay maalmo aad u yar ay kasoo wareegtay heshiiskii lagu dhexdhexaadinayay Soomaalida iyo Canfarta, oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiinta u sarreysa labada degaan ee Soomaalida iyo Canfarta, heshiiskaas oo ka dhacay magaalada Jigjiga.

Balse dadka deggan degaannada galbeedka Sitti ee hadba dagaalladu ka dhacaan, ayaa mala awaal iyo waxba kama jiraan ku tilmaama heshiis kasta oo ay wada galaan Soomaalida iyo Canfarta, iyagoo xusay in heshiis walba uusan soo dhaafin halka lagu galay, Soomaaliduna ay yihiin dad nabadda jecel waa siday hadalka u dhigeen qaar kamid ah shacabka ku dhaqan galbeedka Sitti.

Colaadda u dhaxaysa Soomaali iyo Canfar oo ka billaabantay dhulka u dhaxeeya labada degaan ee Soomaalida iyo Canfarta ayaa muddo sannado ah soo socday, iyadoo colaaddana aan wali wax xal ah laga gaarin, marka laga reebo kulamo ay isugu yimaaddaan masuuliyiinta labada degaan waa Soomaali iyo Canfarta, kulamadaas oo lagu gaaro qodobbo iyo go'aano aan intooda badan qalinka iyo warqadda lagu qoro aan soo dhaafin.

Gobolka Sitti gaar ahaan goobaha ay haatan dagaalladu ka dhaceen, ayaa waxaa ka jirtay Abaaro daran oo saamaysay dad iyo duunyo, iyadoo haatana ay ugu darsameen shacabka aagaas ku dhaqan colaaddan cusub ee u dhaxaysa Soomaalida iyo Canfarta.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]