4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 18, 2022
Xubno ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed
 

Arbaco, May, 18, 2022 (HOL) - Xubno ka tirsan dagaamayahanada Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka qeybta 60-ad ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in xubnaha ka tirsanaa Al-shabaab ee isku soo dhiibay ay ahayeen kuwa mudo dheer ka mid ahaa dagaalyahanada Al-shabaab.

Magacyada xubnaha ka midka ahaa Al-shabaab ee isasoo dhiibay oo ay shaaciyeen Saraakiisha Milatariga Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa kala ah Maxamed Cali Isxaaq, Mukhtaar Maxamed Ibraahim, Xasan Cabdikariin sheekh, Cabdulaahi Sankuus Maxamed iyo Maxamed Jeelow Shariif.

Sarakiisha ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad ee xubnahaan Shabaabka tirsanaa isku soo dhiibeen ayaa ugu baaqay dagaalamayasha kale ee ka tirsan Al-shabaab iney isku soo dhiibaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dagalamayaal ka mid ahaa Al-shabaab ay isku soo dhiibaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online