4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 18, 2022
Raysal Wasaare Rooble: Waxaan madaxweyne Xasan Sheikh kula dardaarmayaa inuu dalka ka ilaaliyo Milkiile
 

Arbaco, May, 18, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ku tilmaamay qofkii ugu mudnaa ee loo doortay madaxweynaha dalka Soomaaliya hoggaamin kara.

Inkastoo eedo loo jeediyay madaxweyne Xasan Sheikh xukunkiisii hore, haddana raysal wasaare Rooble wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in madaxweynuhu haysto qibrad iyo waayo aragnimo uu wax kaga qaban karo xaaladda uu dalka ku jiro.

“Madaxweyne Xasan Sheikh waxay Soomaali isku raacday inuu yahay odey Soomaali isku hayn kara, adduunkana ku hayn kara. Waa run madaxweyne xasan horuu madaxweyne usoo noqday, eedo badan ayaa jira. Qofka malaa’ig ma ahan, wax waa lagu tuhmi karaa, waa iska dacaayad waana jirtaa. Waxaan aaminsanahay inuu yahay qofka ugu munaasibsan oo dalka loo doortay, tariinkana dhaqaajin kara ” ayuu yiri raysal wasaare Rooble.

Rooble wuxuu sheegay dalka doorasho inuu soo gaarsiiyo inuu usoo maray dhibaato badan oo ay kamid tahay sida uu sheegay, in dowladda uu katirsanaa aysan raalli ka ahayn shaqada uu qabanayay.

“Waxaan kula talinayaa madaxweyne Xasan Sheikh, “Milkiile dalkaan ka ilaali”. Adaa ka masuul ah. Waxaan kuu sheegayaa Milkiile dalkaan ma iska lahan. Nin ku keensaday malahan. Soomaali ayaa ku dooratay. Waddooyinkii ay Soomaaliya ku duntay waxaa kamid ah milkiile. Go’aanka adiga qaado, iyo raysal wasaarahaaga iyo inta kula shaqeysa,” ayuu yiri raysal wasaare Rooble.

Waxa uu raysal wasaaruhu sheegay ina uu xafiiska joogo ee lagasoo magaabay raysal wasaare cusub inuu diyaar u yahay inuu madaxweynaha ku biiriyo wixii talo ah oo dalkaan lagu horumarin karo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]