4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 17, 2022
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta kulan la qaatay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka
 

Talaado, May, 17, 2022 (HOL) - Madaxweynaha cusub ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta kulan la qaatay madaxweynayaasha Maamul goboleedyada dalka, kadib kulan qado ah oo uu sameeyay Madaxweynaha la doortay ee JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qadada kadib kulan la yeeshay Madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed ee kala ah Hirshabeelle, Galmudug, Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Kulanka madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka ayaa la tilmaamay in madaxda ay kaga wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa adeegyada dowladeed ee loo hayo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahad celiyay Madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka, isagoona ugu baaqay in la xoojiyo wadashaqeynta dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Kulankaan ayaa ahaa kii ugu horeeyay oo si wadajir ah ay u yeeshaan madaxda dowlad goboleedyada iyo madaxweynaha ladoortay ee aan wali si rasmi ah ula wareegin talada dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online