4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 17, 2022
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo la kulmay madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Farmaajo


Talaado, May, 17, 2022 (HOL) - Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha xafiiska baneynaya Maxamed Cabdillahi Farmaajo. Waxaana la sheegay inay ka wada hadleen xil wareejinta xafiiska Madaxweynaha

Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabay Guddiga Qabanqaabada Xil-wareejinta Madaxweynaha oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Maxamed Cabdullaahi Ciise, isaga oo faray in ay si degdeg ah u diyaariyaan munaasabadda xil-wareejinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu todobaadka dambe si rasmi ah ugu wareego xafiiska madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, kadib marka la qabto munaasabad xil wareejin ah.

Qoraal uu madaxweyne Xasan Sheekh soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu ugu mahad celiyay madaxweyne Farmaajo oo ku qaabilay xarunta madaxtooyada dalka, sidoo kale wuxuu u mahadceliyay dalal  u soo diray dhambaallada hambalyada ah.

Dalalkaas waxaa ka mid ah Sucuudi Carabiya, Amiirka Qatar, Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Imaaraatka Carabta, Dowladda Turkiga, Jabuuti, Itoobiya,  Kuweyt, Shiinaha, Maraykanka iyo Ingiriiska, Cumaan iyo dalalka kale.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]