4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 16, 2022
Booliiska Somaliland oo ka jawaabay mudaharaadyada xisbiga Waddani balan qaaday
 

Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Saraakiisha ugu saraysa Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa ka digay banaanbaxyada uu balanqaaday xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, waxayna sheegeen in aanay ogolaanayn wax nabadgalyada wax yeelaya.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale, ayaa sheegay in booliisku uu dhex u yahay dhamaan xisbiyada, uuna ixtiraamayo sharcinimadooda, lakin aan dhalinyarada xaq loogu lahayn in dhiigooda la waydiisto.

"Ciidamada booliisku xisbiyada qaranka waa u dhex, lakin amniga iyaga ayaa ka masuul ah, xisbigu sharci ayuu ku dhisanyahay, xisbi qaran weeyi, sharci nimadiisa ayaanu ilaalinaynaa, waa ixtiraamaynaa, waa isgarabtaagaynaa, Waddani, ha noqdo, Kulmiye ha noqdo, UCID ha noqdo, ubadka aan dhalay waxaa xaqloogu leeyahay ii codeec, looguma laha in la yidhaa naftaada isii" ayuu yidhi Dabagale.

Dabagale ayaa sheegay in dhalinyaradu anay diyaar u ahayn  in ay naftooda bixiyaan "Waxan ka maqlayay baryahan iyada oo la leeyahay naftaada isii, saw heegan iima tihid, saw xabad in lagugu rido diyaar uma tihid, saw jeel in lagu galiyo diyaar uma tihid, saw dhibkasta oo kusoo gaadha diyaar uma tihid, diyaar uma aha".

Waxa uu sheegay in shacabka aan jeel la galin doonin lakinse amaankooda la sugayo "Maxaa jeel loo galinayaa, waa inanka aanu cadowga ka ilaalino inankani, waa inanta aanu cadowga ka ilaalino inantani, waa hooyada aanu cadowga ka ilaalilo".

Taliyaha ayaa sheegay in booliisku aanu yeelayn in qof isticmaalo dhiiga shacabka "Amniga anaga ayaa ka masuula, ma yeelayno, ilmo kamid ah Somaliland, hooyo kamid ah Somaliland, inan kamid ah Somaliland, wuxuu doono ahaadee, in qof dhiigiisa ku dhaashado".

Taliyaha ayaa sidookale, ka digan in xisbiyada mucaaradku ay si gaar ah ugu dabaaldagaan xuska 18 May, waxaanu sheegay in anay marnaba ogolaanayn.

Madaxda xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa kulan ayla yeesheen qaar kamid ah dhalinyarada Hargaysa, balan kula galay in ay mudaharaadyo sameeyaan oo ay u diyaar garoobaan in ay xabada booliiska isku dhigaan hadii doorashada dib u dhac ku yimaado.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online