6/28/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 15, 2022
Farmaajo iyo Xasan Sheikh oo usoo gudbay wareegga ugu dambeeya ee doorashada madaxweynaha
 

Axad, May, 15, 2022 (HOL) - Wareeggii labaad ee doorashada madaxweynaha ayaa lasoo gabagabeeyay, iyadoo labada musharrax ee ugu codadka badan ay u gudbayaan wareegga ugu dambeeya ee doorashada.

Guddiga doorashada ayaa shaaciyay natiijada doorashada, waxayna sheegeen in Xasan Sheikh Maxamuud oo helay 110 cod iyo madaxweynaha hadda talada haya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo helay 83 cod ay u gudbeen wareegga saddexaad.

Waxaa wareegga labaad ku haray raysal  wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo helay 63 cod iyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni 68 cod.

Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa wareegga labaad la yimid isbeddel, isagoo helay codadka ugu badan, wuxuuna wareeggii hore ahaa musharraxa saddexaad ee ugu codadka badan.

Ugu dambayn, wareegga saddexaad waxaa ku tartamidoona Xasan Sheikh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaas oo sidoo kale doorashadii 2017 ahaa labadii musharrax ee wareegga ugu dambeeya ku tartamay, Farmaajana uu ku guulaystay.

Xasan Sheikh iyo Farmaajo midka ku guulaysta wareeggaan ayaa noqondoona madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
5/15/2022 5:26 PM EST
Axad, May, 15, 2022 (HOL) - Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ku guulaystay xilka madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, kadib markii wareeggii saddexaad ee doorashada uu kaga guulaystay madaxweyne Farmaajo.

5/15/2022 1:04 PM EST
Axad, May, 15, 2022 (HOL) - Wareegga labaad ee doorashada madaxweynaha ayaa goor dhowayd billaabatay, iyadoo ay ku tartamayaan afarta musharrax ee usoo gudubtay wareegga labaad, kuwaas oo kala ah, Madaxweyne Farmaajo, Xasan Sheikh Maxamuud, Siciid Deni iyo Xasan Cali Kheyre.

5/15/2022 12:01 PM EST
Axad, May, 15, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw si rasmi ah usoo gabagaboobay tirinta natiijada codadka wareega koowaad ee tartanka doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

5/15/2022 9:38 AM EST
Axad, May, 15, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta hakad ku jira dhamaan duulimaadyadii uu sameyn jiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

5/15/2022 7:56 AM EST
Axad, May, 15, 2022 (HOL) - Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadda ka billaabatay magaalada Muqdisho gaar ahaan teendhada Afisyooni, halkaas oo ay ku sugan yihiin in ka badan 300 xildhibaan oo dooran doona madaxweynaha Soomaaliya hoggaamin doona afarta sano ee soo socota.

5/15/2022 6:40 AM EST
Axad, May, 15, 2022 (HOL) - Dib u dhac ayaa ku yimid codaynta doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo lagu waday inay billaabato 11 ka barqanimo ee maanta sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha.

5/15/2022 6:34 AM EST
Axad, May, 15, 2022 (HOL) - Warbaahinta madaxa bannaan ee loogu talo galay in ay soo tebiyaan doorashada madaxweynaha, ayaa sheegay in loo diiday inay hoolka doorashada la galaan Mobaylada iyo Kambuutarada ay ku shaqeynayaan.

5/15/2022 6:28 AM EST
Axad, May, 15, 2022 (HOL) - Xilli saacaddaha soo socda lagu wado inay bilaaabato doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaa qaar kamid ah musharraxiinka u sharraxan madaxweynaha waxay hoolka doorashada ka dhex wadaan olole siyaasadeed oo ay codad kaga raadinaayan xildhibaannada.

5/15/2022 5:40 AM EST
Axad, May, 15, 2022 (HOL) - Guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug, Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare ayaa sheegay tallaabada ugu horreysa ee laga rabo barlamaanka cusub inay tahay meel marinta sharciga la dagaalanka Argagixisada.

5/15/2022 2:15 AM EST
Axad, May, 15, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Aqalka sare ee Itoobiya Agenyahu Teshager oo la hadlayay Wakaaladda Wararka ee Itoobiya ayaa sheegay in kooxda TPLF ay isu diyaarinayso in mar kale ay dagaal soo qaado.

5/15/2022 2:01 AM EST
Axad, May, 15, 2022 (HOL) - Kooxo bastoolo ku hubeysnaa ayaa Xalay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxay ku dileen nin dhalinyaro ah oo ka mid ahaa Ergadi dooratay kursiga tirsigisu yahay HOP 058.

5/15/2022 1:46 AM EST
Axad, May, 15, 2022 (HOL) - In ka badan 300 oo xildhibaan ayaa maanta isku diyaarinaya doorashada madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo magaalada Muqdisho oo doorashadu ay ka dhacayso uu saaran yahay bandow.