4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 15, 2022
Duulimaadyadii Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho oo Maanta hakad ku jira

Axad, May, 15, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta hakad ku jira dhamaan duulimaadyadii uu sameyn jiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Hakadka Maanta ee duulimaadyadii diyaaradaha garoonka Aadan Cadde ayaa la xariira bandow dowladda Soomaaliya ay kusoo rogtay magaalada Muqdisho, sababo la xariira amniga doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya oo Maanta ka socota teendhada afisyooni ee magaalada Muqdisho.

14-kii bishaan May oo ku beegneyd shalay Sabtigii ayay aheyd markii ay soo baxday warqad qoraal ah oo cadeyneysa in shaqadii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay hakad gali doonto ilaa 16-ka bishaan May oo ku beegan berito oo Isniin ah, waxaana qoraalka lagu shaaciyay in shaqada garoonka Aadan Cadde ay dib u bilaaban doonto 16-ka bishaan May saacadu markey tahay 06:00 oo ah lixda aroornimo xiliga Soomaaliya .

Garoonka Aadan Cadde ayaa maalin walba waxa uu sameyn jiray duulimaadyo fara badan oo isugu jira gudaha dalka iyo kuwa dibadda ah, waxaana hakadka duulimaadyada ay saameyn ku yeelatay dadweyne farabadan oo u kala safri lahaa dalka gudahiisa iyo dibadiisaba.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo haatan ka socota Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, maysan saameynin shaqada garoonka diyaaradaha kaliya ee waxaa Maanta bandow ah guud ahaan magaalada Muqdisho oo aysan jirin wax dhaqdhaqaaq ganacsi iyo mid dadweyne ah, waxaana bandowga uu ku eg yahay aroornimada hore ee berito oo Isniin ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online