4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 14, 2022
Beesha caalamka oo xildhibaannada labada aqal ee barlamaanka ugu baaqday inay doortaan hoggaamiye wanaagsan
 

Sabti, May, 14, 2022 (HOL) - Beesha caalamka ayaa caawa ugu baaqday dhammaan xubnaha Baarlamaanka ee labada aqal inay waajibaadkooda dastuuriga ah u gutaan si ay ku jirto danta dalka.

Bayaan kooban oo kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu booriyay Xildhibaanada inay ku codeeyaan damiirkooda iyagoo dooranaya musharaxa ay rumeysan yihiin inuu la imanayo siyaasadda iyo tayada hoggaamineed ee lagu hormarinayo nabad, xasillooni, barwaaqo, iyo dowladnimo suuban.

Warka beesha caalamka ayaa kusoo beegmay xilli wax ka yar 24 saac ay ka harsan tahay doorashada madaxweynaha 10'aad ee Soomaaliya, waxayna soo dhoweeyeen dhameystirka geedisocodka doorashada kadib dib udhacyo badan oo lagasoo gudbay.

Beesha caalamka ayaa si dhow ula socondoonta doorashada, iyadoo ay Muqdisho ku sugan yihiin dhammaan safiiradda beesha caalamka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]