4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 14, 2022
Shil dhimasho iyo dhaawac badan gaystay oo ka dhacay Hargaysa
 

Sabti, May, 14, 2022 (HOL) - 4 qof ayaa ku nafwaayay 7 kalena way ku dhaawacmen shil baabuur oo ka dhacay xaafada Burcada-yar ee magaalada Hargaysa.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Axmed Abokor Maxamed, oo dhaawaca ku booqday Isbitaalka Guud ee Hargaysa, ayaa ka dayriyay xaalada dhaawaca.

"Inta dhimatay marka laga tago inta dhaawaca ah laftooda xaaladoodu way culustahay, Alle waxaanu uga baryayna in Ilahay u booga dhayo, qarankana dhibwayn ayay ku tahay in maalin walba uu qof inagaga dhinto wax laga hortagi karo" ayuu yidhi agaasime Abokor.

Laba qof oo walaalo ah ayaa kamid ah dadka dhintay shilka sida uu agaasimuhu sheegay. Shilka ayaa ka dhashay kadib markii uu baabuur wadada yaalay ay ku dhaceen laba baabuur oo socday, sida uu sheegay agaasimaha Isbitaalka Guud ee Hargaysa.

Shilalka ayaa sannadkasta galaafta nolosha dad badan, waxaana socda dadaalo ay wasaarada gaadiidku ku doonayso in lagu dhimo khasaaraha shilalka, waxaana kamid ah in la waajibiyo xidhashada suunka baabuurka.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online