4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 14, 2022
Bandow lagusoo rogay magaalada Muqdisho xilli maalin kaliya ka dhiman tahay doorashada madaxweynaha
 

Sabti, May, 14, 2022 (HOL) - Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in caawa laga billaabo magaalada Muqdisho la galindoono xaalad Bandow ah oo looga golleeyahay adkaynta ammaanka magaalada Muqdisho oo ay berrito ka dhacayso doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Afhayeenka ciiddanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in laga bilaabo caawa 9:00 PM, in magaalada Muqdisho aan laga oggolaan doonin isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Waxaa shacabka lagu wargaliyay inay magaalada ka adeegtaan ka hor in aan Bandowga lagusoo rogin

Afhayeenka Booliisku wuxuu sheegay inay xaaladdaha degdega u diyaariyeen isgaarsiin gaar ah oo dadku kala soo xiriiri karaan laamaha booliiska si loo caawiyo haddii ay u baahan yihiin arrin degdeg ah.

“Waxaan 100% bulshada gobolka Banaadir ka codsanaynaa, waan ognahay xaaladaha lagu sugan yahay. xoogsatada waxaan ka raali galinaynaa muddadaas amniga la sugayo ee hakadka ku jiro isku socodka in lala shaqeeyo ciiddanka Booliiska ,” ayuu yiri afhayeenka booliiska Soomaaliyeed.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalinta berrito ah la qaban doonaa, iyadoo goor horeba ciidamada Uganda ee qeybta ka ah ATMIS ay la wareegeen ammaanka goobta doorashada.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]