4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 13, 2022
Maraykanka oo badalay luuqadii uu shalay Somaliland kula hadlay
 

Jimco, May, 13, 2022 (HOL) - Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM),oo warbixin labaad kasoo saaray safarkii madaxda talisku ay shalay ku tageen Somaliland, ayaa sheegay in ay doonayaan in ay iskaashi millateri la yeeshaan Somaliland.

Warbixintan labaad oo aad uga duwan warbixintii Khamiistii, isla markaana aan lagu xusin siyaasada "Soomaaliya kali ah" oo warbixintii hore aad loogu nuux nuuxsaday, ayaa lagu sheegay in Somaliland ay tahay dimuquraadiyad dagan, nabad ah oo adkaysi leh, isla markaana uu Maraykanku aad u doonayo in uu xidhiidh la yeesho.

"Waanu qadarinaynaa doorka Somaliland ay ku leedahay gobolka ee ah in ay tahay dimuquraadiyad adkaysi leh, dagan oo nabad ah, AFRICOM waxay aad u danaynaysa in ay sahamiso fursado dheeraad ah, si ay u xoojiso xidhiidhka Somaliland ee ku dhisan danaha aynu wadaagno, si aynu ula dagaalano argagixisada, budhcad badeeda iyo tahriibinta" ayaa lagu yidhi warbixinta AFRICOM.

Talisku waxa uu xusay in kulamadii ay madaxda Somaliland la yeesheen Khamiistii diirada lagu saaray, xidhiidh laba geesood ah oo ay yeeshaan Somaliland iyo Maraykanka, layskana kaashan doono ilaalinta nabada gobolka Geeska Afrika.

"Kulamadii 12 May ka dhacay Hargaysa iyo Berbera waxaa diirada lagu saaray faa'iidada laga helayo xidhiidh laba,  geesood ah oo ay yeeshaan Maraykanka iyo xukuumada Somaliland, xidhiidh balaadhan oo dhexmara AFRICOM iyo millateriga Somaliland iyo ciidanka xeebaha, wixuu kor u qaadayaa danaha la wadaago ee nabada gobolka, iyo ilaalinta waddooyinka ganacsiga ee muhiim ka ah" ayaa lagu yidhi warbixinta AFRICOM.

Warbixintii hore ee uu taliska AFRICOM kaga faalooday kulamadii dhex maray madaxda Somaliland ee shalay, aya lagu sheegay in uu Maraykanku Somaliland ula macaamilayo sidii qayb Soomaaliya kamid ah, qoraalkaas oo ka cadhaysiiyay bulshada Somaliland, isla markaana, dadka reer Somaliland ee Twitterka isticmaala oo si toosa uga jawaabay qoraalka taliska, ayaa muujiyay cadho.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online