4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 13, 2022
Jigjiga : Dowlad degaanka Canfarta oo 10 milyan ugu deeqay Shacabka degaanka Soomaalida

Jimco, May, 13, 2022 (HOL) - Dowlad degaanka Canfarta ayaa deeq lacageed oo gaaraysa 10 milyan ugu deeqay shacabka degaanka Soomaalida, deeqdan ayaa waxaa degaanka Soomaalida soo gaarsiiyay Madaxwaynaha degaanka Canfarta Awal Arbe.

Madaxwayne Mustafe cagjar ayaa deeqdan lacageed ka guddoomay Madaxwaynaha degaanka Canfarta Awal Arbe, isagoo uga mahad celiyay Canfarta sida wanaagsan ee ay usoo xasuusteen walaalahooda degaanka Soomaalida ee xilligan abaaraha la daalaa dhacaya.

Deeqdani lacageed ayaa ah mid loogu tala galay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan degaanka Soomaalida, iyadoo la xasuusan yahay in wali ay abaartu ka taagan tahay degaanka Soomaalida, oo wali ay roob yaraani jirto meelo badan oo degaanka Soomaalida kamid ah.

Degaanka Soomaalida ayaa waxaa in muddo ahba ka jirtay abaar aad u darnayd, oo dad iyo duunyaba saamaysay, iyadoo billowgii abaarta ilaa hadda ay degaanka Soomaalida soo gaarayeen deeqo kala duwan oo ka kala imaanayay degaannada dalka Itoobiya, dowladda dhexe iyo hay'adaha deeq bixiyayaasha caalamiga ah.

Labada shacab ee Soomaalida iyo Canfarta ayaa ah labo shacab oo inta badan isu gurmada xilliyada ay dhibaatadu jirto, iyadoo labada degaanna ay yihiin degaanno deris ah, oo wadaaga xuduud aad u dheer.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]