4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 12, 2022
Madaxda Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika oo Somaliland booqasho ku yimid


Khamiis, May, 12, 2022 (HOL) - Taliyaha Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) Stephen Townsend, safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Larry André, iyo saraakiil kale oo sar sare oo ka tirsan taliska Afrika, ayaa socdaal ku yimid magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo kulan la qaatay saraakiishan ka socda taliska Afrika, ayaa sheegay in bog cusubi u furmay xidhiidhka Somaliland iyo Marayka, dhinaca kalena madaxda taliska Afrika ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin iskaashi ay la sameeyaan Somaliland.

"Waxaana dhankooda si wada jira u soo dhaweeyey hadalka Madaxweynaha Jeneral Townsend iyo Safiirka Maraykanka, Larry André, iyagoo sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin iskaashiga dhinacyada amniga iyo millatariga ee labada dhinac"  ayaa lagu yidhi warsaxafadeed kasoo baxday Madaxtooyada Somaliland.

Taliyaha iyo waftigiisa ayaa sodookale kulanka madaxweynaha kadib, booqasho ku tagay madaarka iyo Dekedda Berbera oo dhawaan dib u casriyayn lagu sameeyay, waxaana la malayn karaa in Maraykanku uu danaynayo Madaarka Berbera, oo ah mid kamid ah garoomada millateriga ee ugu barxada dheer qaarada Afrika.

Safarka Townsend iyo waftigiisa ayaa daba socda, safarkii uu bishii March madaxweynaha Somaliland ku tagay dalka Maraykanka, waxaana la rajaynaya in Somaliland iyo Maraykanku yeeshaan iskaashi amni sida uu sheegay madaxweyne Biixi.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online