4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 12, 2022
19 Musharax oo Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ka mid yihiin oo Maanta khudbadahooda jeedin doona
 

Khamiis, May, 12, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo hadal jeedinta Musharaxiinta madaxweynaha, waxaana Maanta khudbadahooda Xildhibaanada labada Aqal ka hor jeedin doona 19 musharax oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

Musharaxiinta Maanta ku qoran hadal jeedinta waxaa ka mid ah madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Sharfiif, madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo siyaasiyiin kale oo caan ah.

19-ka Musharax ee Maanta khudbadahooda ka horjeedin doona Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxay ka hadli doonaan sooyaalkooda siyaasadeed waxyaabaha ay qabanayaan hadii la doorto iyo balanqaadyada ay sameyaan waqtiyada ay ku jiraan tartanada doorashada.

Waxaa xusid mudan in shalay Xildhibaanada labada aqal ay dhageysteen hadal jeedinta 20 Musharax oo ka mid ah 39-ka musharax ee u taagan tartanka doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, islamarkaana 19-ka kale Maanta ay dhageysan doonaan waxaana maalmaha berito iyo beri dambe ay noqonayaan laba maalmood oo diyaar garoow ah.

Doorashada tartanka madaxweynaha ayaa dhici doonta sida uu qorshuhu yahay 15-ka bishaan May oo ku beegan maalinta Axada ah ee soo socota, waxaana ka dhiman labada maalmood oo kaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online