4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 12, 2022
Alshabaab oo sheegtay in Nin Ajnebi uu ka dambeeyay weerrarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu weeraray Ceel Baraf

Khamiis, May, 12, 2022 (HOL) - Ururka Alshabaab ayaa sheegay in muwaadin kasoo jeeda dalka Kenya uu fuliyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday xerada ciiddanka Burundi ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeeladda dhexe.

Wareysi uu bixiyay Jamaal Diba Diida oo ahaa fuliyaha weerarka ismiidamainta ah ayuu ugu hanjabay ciidamada Burundi inay dhibaato xoog leh kala kulmi doonaan joogitaankooda Soomaaliya.

Ma ahan Ajnebigii ugu horreeyay ee fuliya weerar ismiidaamin ah. Horey Alshabaab ayaa sidaas kale Ajnebi kooxdooda katirsan ugu adeegsatay dagaallo iyo weerar isqarxin ah oo ka dhacay Soomaaliya.

Weerarkii ka dhacay saldhigga ciidamada Burundi ee Ceel Baraf wuxuu ahaa weerarkii ugu xoogganaa ee Alshabaab la beegsadaan xarumaha ciidamada midowga Afrika, waxaana ku geeriyooday 170 askari sida Alshabaab ay sheegeen, inkastoo dowladda Burundi ay sheegtay inay 30 askari uga geeyiyoodeen weerarkaas.

Alshabaab ayaa ku hanjabay inay weeraro midkaan lamid ah ku qaadidoonaan ciidamada ATMIS ee lagu beddelay AMISOM.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]