4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 11, 2022
Shirkad ka shaqeysa dabka iyo badqabka korontada, una shaqeysa qaab casri ah oo laga furay Muqdisho

Arbaco, May, 11, 2022 (HOL) - Shirkadda Cumar Sabriye Engineering Company oo ka shaqeysa howlaha dabka iyo badqabka korontada, ayaa shalay lagu daah-furay magaalada Muqdisho.

Agaasimaha maamulka shirkadda Injineer Cumar Sabriye, ayaa horay uga soo shaqeeyay mashaariic la xiriira korontada iyo badqabkeeda oo laga fuliyay magaalada London ee caasimada dalka Britain. Waxaa uu la soo shaqeeyay qaar kamid ah shirkadaha hormuudka ka ah injineernimada ee UK sida British Gas, Haden Young iyo Belfour Beatty.

“Anniga oo soo bartey, isla markaana khibrad u leh shaqadda ayaa haddana waxaan ku shaqeyneynaa qalab casri ah. Waxaan korontada u gelineynaa guryaha iyo goobaha ganacsiga si casri oo badqab leh (safe) oo ka duwan qaababkii hore, maadaama shirkadda iyo shaqaallaheeda ay ku taqasuseen arrimaha korontada”, ayuu yiri Eng Cumar Sabriye.

Ganacsiga bartamaha magaalada Muqdisho oo burbursanaa muddo sannado ah ayaa waxaa xiligan laga dareemayaa horumarro xagga dhismayaal casri ah, kuwaas oo sara u qaaday bilicda caasimadda. Sidaasi awgeed Injineer Cumar Sabriye iyo kooxdiisa ayaa doonaya in ay xoogga saaraan korontada iyo badqabkeeda (Electrical Safety).

Xafiiska shirkadda oo ku yaalla daarta Giyaajo Business Center ee isgoyska KM-4, ayaa shaqooyinka kale ee ay qabato waxaa kamid ah naqshadeynta website-yada, gaar ahaan nooca WordPress.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]