4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 4 , 2022
Warbixin eegaysa barnaamijka maaliyadda Soomaaliya ee ay IMF tageerto oo sannadkan ay Soomaaliya halis ugu jirto inay lumiso

 

Jimco, Maarso, 4, 2022 (HOL - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee uu waqtigiisu dhamaaday iyo Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beileh oo ay wehliyaan Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka IMF, Laura Jaramillo, ayaa shalay ka wada hadlay barnaamijka Miisaaniyadda IMF ee Soomaaliya oo dib u eegis lagu sameynayo bisha May 2022. Dib u eegistii hore ayaa dhacday bishii November 18, 2020.

Hey’addaha IMF iyo Bangiga Adduunka oo la hadlay madaxweyne Farmaajo iyo wasiirka maaliyadda, ayeey si cad ugu sheegeen inay wax walba oo dhankooda ah istaagayaan haddii aan la dhameystirin dib u eegista maaliyadeed. Talaabadan ayaa keeni karta dib u dhac ku yimaada bixinta mushaaraadka, gunnooyinka, iyo adeegyada kale ee muhiimka ah; waxayna meesha ka saaraysaa hanaankii dhamaystirka deyn cafin buuxda, sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay hey’adda IMF.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay madaxda hey’adda IMF inaanu wax  masuuliyad ah ku laheyn arrimaha doorashada oo muumulkeeda ku wareejiyay ra’isulwasaare Rooble. 

IMF ayaa dowladda Soomaaliya uga digtay in barnaamijkeeda maaliyadeed uu joogasan doono haddii aysan iman dowlad cusub xilliga dib u eegista oo ku beegan 17-May 2022. Balse dib u dhaca doorashada ayaan suurtagal ka dhigeynin in dowlad cusub ay diyaar noqoto bisha May. Haddii aanay jirin dowlad cusub oo heysata sharciyad xilligaas, Soomaaliya ayaa lumin doonta tageerada hey’adda lacagta adduunka ee IMF, midaas oo halis gelinaysa barnaamijkii deyn cafinta Soomaaliya iyo kaalmooyinka kale ee ay ku heli jirtay mashaariicda horumarinta iyo kabka misaaniyadda. 

“Hubaal la'aanta siyaasadeed iyo dib u dhaca doorashada ayaa saameynaya barnaamijka dib u eegista maaliyadda Soomaalya ee ay IMF ka taageerto.” ayaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay hey’adda IMF.

Hay'adaha maaliyadeed ee caalamiga ah waxay sameeyeen bar cabbiro, muujinayo inay Soomaaliya ka soo bixi karto heshiisyadii ay la galeen. Dowladdo ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Norway ayaa taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ku bixiyay inay Soomaaliya gaarto barta go'aanka (Decision Point). Bartaas waxay Soomaaliya u sahashay inay hesho kabka misyaaniyadda (budget Support) waana midda suurtagalisay inay dowladda Soomaaliya bixiso mushaarka shaqaalaha iyo ciidamada oo 70% ku tiirsan kaalmadaas.

Madaxda Soomaalida waxaa ka muuqda masuuliyad darro, iyadoo doorashadiina ay noqotay nuxur la'aan. Waxaa soo baxaya eedeymo musuqmaasuq baahsan, taas oo sii luminaysa kalsoonida ay shacabku ka qabi karaan hanaanka doorasho iyo waxa ka soo bixi karaba. Dowladahii taageerada ugu badan ka siiyay Soomaaliya barnaamijka deyn cafinta sida Maraykanka ayaa billaabay inay cadaadis saaraan madaxda Soomaalida, oo qaarkoodna ay ugu hanjabeen inay ku soo rogayaan xiyaarad dhanka safarka ah. Laakiin wali waxaa muuqato in madaxda Soomaalida uu damacooda ka horreeyo danta dib u dhiska dalkooda, iyo horumarinta hey’adaha maaliyadda. 

Kabka misaaniyadda ayaa istaagay, waxaana hadda halis ku jira inuu fashilmo mashruucii dayn cafinta Soomaaliya, haddii aan Soomaaliya yeelan dowlad cusub oo leh sharciyad ay heshiis ku gali karto 17ka bisha May 2022, sida ay sheegtay hey’adda IMF. 

Waxaa la filayay inay Soomaaliya ka dhacdo doorasho dhammaadkii sanadkii 2020 kii, nasiib darro se, khilaaf siyaasadeed iyo mid milatari ayaa hareeyay hoggaanka dalka, midaas oo keentay in hay'adaha caalamiga ah isku hallayn kari wayaan in hoggaanka Soomaaliya maareyn karo waxyaabaha asaasiga u ah dhismaha hay'adaha maaliyadeed. 

Jiitanka doorashada waxaa garab socday khikaafka xooggan oo u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, sidoo kale dagaalka siyaasadeed ee madaxweynaha xilligiisa dhamaaday iyo labadiisii Ra’isulwasaare waxay saameyn ku yeesheen habsami socodka howlaha dowlada oo arrimaha misaaniyadda iyo deyn cafintu ka midka yihiin.

Bil kasta, waxaa jira gaabis $10m farqiga u dhexeeya dakhliga dowlada soo gala iyo midka ka baxa. Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka, waxay joojiyeen taageeradii miisaaniyadeed ee ay siin jireen Soomaaliya, ka dib doorashooyinkii dib u dhacay. Dib u dhacyadan awgeed, deeqaha taageerada miisaaniyada 2021 waxay ahaayeen oo kaliya US$38 milyan, marka la barbar dhigo US$170 milyan oo la filayey miisaaniyada inay gasho. Ilaa hadda, dhaqaalaha la siiyo Soomaaliya oo qayb ka ah qoondada IMF ee 2021 (SDR157 milyan) ayaa kaabid u ah dakhli-yaridaas, laakiin taageeradaas ayaa dhammaan doonta dhowr bilood gudahood haddii aanay Soomaaliya helin kabka misaaniyadda deeqbixiyeyaasha. 

Dhammaadkii sanadkii 1988 kii waxaa istaagay xiriirkii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo hey'adaha maaliyadeed ee caalamka sida hey’adda IMF, Bangiga Aduunka, iyo Sanduuqa horumarinta Afrika (AFDB). Balse, bilowgii sannadkii 2013 ayay dowladdii uu hoggaaminayey Xasan Sheekh Maxamuud heshiis kula galeen hey’addaha Bangiga Adduunka iyo Lacagta Addunka ee IMF, midaas oo keentay wadaxajood kadib, inay Soomaaliya dib u hanato xubinamadeedii IMF, World Bank iyo Sanduuqa Horumarinta Afrika. 

Soomaaliya oo deyn dhan 5.2Billion dollar lagu lahaa ayaa la isla meel dhigay inay marto jidka dheer ee deyn cafinta. Waxaana la billaabay barnaamijkii, deyn qafiifinta ee IMF Staff Monitored Program (SMP). Wuxuu ahaa barnaamij kontaroolaya dhismaha iyo habraacyda maaliyadeed ee dalka. Waxaana lagu guulaystay in la dhammaystiro SMP-1 iyo SMP-2. Waxaana xukunka la wareegay Madaxweyne Farmaajo iyadoo uu socdo SMP-3. Waxaana halkii lagii sii waday ilaa SMP-4.

Barnaamijka deynta cafinta SMP waxaa ka dhashay dhismaha hay'adaha maaliyadeed ee dalka sida Bankiga Dhexe, xoojinta wasaaradda maaliyadda, sameynta sharciyada maaliyadeed, sameynta xafiiska Xisaabiyaha Guud ee dalka iyo Xafiiska Hanti-dhowraha guud, kuwaas oo intuba ahaa tallaabooyin ku dhiirigalayay beesha caalamka in la garab istaago mashruuca deyn cafinta Soomaaliya. Waxaa sidoo kale dhiirrigelin weyn siiyaya beesha caalamka doorashooyinkii sida nabadgelyo xukunka iskugu wareejiyeen madaxdii hore. 

IMF ay sheegtay in barnaamijka deyn cafinta oo dhameystiran ay Soomaaliya gaari karto haddii ay Soomaaliya ka baxdo hubanti la'aanta siyaasadeed iyo dib u dhaca doorashada oo halis galinaya geedi socodka hanaanka maaliyadeed ee Soomaaliya.

Hiiraan Online News desk