Jimco, Maarso, 4, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray lix kursi oo ka mid ah kuraasta deegaan doorashadooda tahay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
newsinsideWar qoraal ah oo kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay iney qabanayaan doorashada lixdaan kursi ee ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay guddiga soo saaraan jadwalka qabashada doorashada lixdaan kursi.
Shalay ayay aheyd markii guddiga doorashada Koonfur Galbeed ay magaalada Baydhabo ku qabteen doorashada lix kursi oo ka mid ahaa kuraasta Golaha shacabka ee deegaan dooraahadoodu tahay magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaana maamulka Koonfur Galbeed uu ka mid yahay maamulada sida dardarta leh kuwada qabashada doorashada kuraasta Golaha Shacabka.
Hoos ka akhriso liiska kuraasta guddiga doorashada Koonfur Galbeed ay shaaciyeen.