5/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 27, 2022
Sheekh Aadan Sunne oo sheegay in Somaliland laga soo saaray

Axad, Maarso, 27, 2022 (HOL) - Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Sheekh Aadan Sunne), oo dhawaan Al-shabaab ku biiray, ayaa sheegay in Somaliland lagu faafiyo diinta Masiixiga, markii uu ka hadlayna dhibaatooyin loogu gaystay.

Aadan Sunne ayaa Sheegay in uu Alshabaab ugu biiray mabaadii uu aaminsanyahay darteed, waxaanu xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay kasoo barakicisay Hargaysa.

"Waxa adoon kasta oo caaqil ahi iswaydiinayaa maxaa keenay Aadan Sunne halkan, waxa isoo kiciyay waa mabaadii saami ah oo aan aaminsanahay, waana manhajkayga qanaacadeed ee diinta Islaamka, cadowga maanta goobaya Islaamka cida indhaha u ah ee u baaqaysa ayaa aniga isoo barakiciyay" ayuu yidhi Aadan Sunne.

Waxa uu sheegay in dhaqan xumo iyo diin la'aani ay ku faaftay guud ahaan Somaliland, taasi oo keentay in dhalinyaradu diinta caydo "Intaanan gobolada kale gaadhin inamada yar yar ee Hargaysa iyo Burco jooga waa kuwa diintii lagu soo barbaariyay caayaya, cid markaa amni ah oo talaabo ka qaadaana ma jirto".

Waxa uu sheegay in Somaliland ay tabliiqiyiinta Masiixigu joogaan oo ay diinta ku faafiyaan cidii ka hadashayna lagu dhibaateeyay "Baadariyaasha ayaa diinta ku faafiya cidii ka hadashayna hanjabaad cad ayaa heer madaxweyne loogu hanjabay, qaarkoodna jeel iyo xabsi ayay u dhex hurdaan".

Aadan Sunne ayaa sheegay in markii hore uu doonayay in uu diinta ugu gar gaaro carabkiisa, oo uu dadka wacdiyay lakin, markii taa lagu dhibaateeyay ay ku kaliftay in uu qoriga ku difaaco.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online