12/9/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 13, 2022
Guddoomiyaha ONLF: Itoobiya waxay rabtaa inay dhulkayaga sheegtaan, xaqiisana ayna noo oggolaan"
 

Axad, Maarso, 13, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga ONLF Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi Maadey, oo hadalo kooban kasoo jeediyay shir ay mucaaradka dowlad degaanka Soomaalidu ku lahaayeen carriga maraykanka, ayaa waxa uu ka war bixiyay xaaladda degaanka Soomaalidu ku sugan yahay, isla markaana waxa uu dhaliilo usoo jeediyay xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida iyo dowladda dhexe ee federalka Itoobiya.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in wixii  isbaddalka ka dambeeyay Soomaali ahaan aan sidii la rabay looga faa'iidan, isagoo maamulka dowlad degaanka Soomaalida ku eedeeyay inuu ka gaabiyay halkii laga filayay, oo ahayd inuu wax badan ka qabto howlaha dhanka Amniga, Maamulka, midaynta Shacabka.

Iyo in dib u dejin loo sameeyo jabhaddii inta badan halganka ku jirtay, isla markaana magdhaw lasiiyo dadkii kale ee iyaguna dhibaatadu kasoo gaartay dagaalkii mudada dheer degaanka ka socday, waa siduu hadalka u dhigay guddoomiyuhu.

Waxa kale oo uu sheegay guddoomiyuhu in Soomaalidu aysan waxba ka ahayn heer federal, isagoo yiri " Nalama xurmeeyo, qayb kuma lihin xafiisyada federalka heerka u koreeya iyo kan u hooseeya midna, inyaroo af-dhabaandhab ah oo hal iyo labo oo dadka la tuso mooyee wax kale kuma lihin". " Maamulka federalka ee degaankeenna jooga isna waa sidaasoo kale waxaan ku leenahay waa fara ku tiris".

Waxa kale oo guddoomiyuhu sheegay in dowladda federalka Itoobiya aysan Shacabka Soomaalida u arkin kuwo dalka wax wax kuleh, isagoo guddoomiyuhu taa ka hadlayana waxa uu yiri " Itoobiya marka saddex loo qaybiyo mid annaga ayaa iska leh, xagga dadkana qolada saddexaad ayaan nahay, Khayraad haddii la yiraahdana qolada koowaad ama labaad ayaan noqonaynaa, marka iyadoo saas awaxay doonayaan inay dhulkayaga sheegtaan oo ay yiraahdaan Itoobiya ayaad tihiin, xaqiisana aysan noo oggolaan".

Ugu dambayn waxa uu guddoomiyuhu farriin u diray dowladda federalka Itoobiya, isagoo yiri "  Haddaad wada ogoshihiin inaan wada noolaano si nabadgalyo ah, annagoo xaqayaga helayna, waxeena maamulanayna, waxa la wada leeyahayna si dhab ah uwada qaybsanayna, anaguna waan oggolnahay, haddii kalena ma wada joogayno waana xaqiiq taasi".

Hadallada Guddoomiyaha ayaa kusoo hagaagaya xilli mucaaradka degaanka Soomaalidu uu shir uga socdo carriga Maraykanka, isla markaana shirkoodaasi ay kaga hadlayaan xaaladda guud ee degaanka Soomaalida iyo dalka Itoobiya.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/13/2022 7:58 PM EST
Axad, Maarso, 13, 2022 (HOL) - Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay inuu hakiyey doorashada kuraasta harsan ee taala magaalada Beledweyne sababo uu ku sheegay inay la xiriiraan amni iyo isqabqbasi ka dhexjira beelaha uu ka dhaxeeyo kuraasta aan wali doorashadooda la qabanin.

3/13/2022 5:55 PM EST
Axad, Maarso, 13, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo waftigii uu hogaaminayay, ayaa ka dagay madaarka Dallas ee magaalada Washintong ee dalka Maraykanka, waxaana qaabilay masuuliyiin ka socda Wasaarada Arrimaha Dibbada Maraykanka.

3/13/2022 11:25 AM EST
Axad, Maarso, 13, 2022 (HOL) - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shir-guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka, kaas oo lagu ansixiyay miisaaniyad ku-meel-gaar ah oo dhan $206,474,223.

3/13/2022 9:37 AM EST
Axad, Maarso, 13, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta markale soo ifbaxay khilaaf xoogan oo la sheegay inuu u dhaxeeyo madaxweyne Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed, kaasoo la xariira hab maamulka qabashada doorashada afar kursi oo ka mid kuraasta taala magaalada Baledweyne.

3/13/2022 7:24 AM EST
Axad, Maarso, 13, 2022 (HOL) - Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sare u qaadaysa gargaarka ay u fidiso kumanaanka qof ee ka barakacay abaaraha ba’an ee ka jira Soomaaliya.

3/13/2022 3:11 AM EST
Axad, Maarso, 13, 2022 (HOL) - Xulka qaranka Soomaaliya ayaa xalay dalka Tanzania kulan saaxiibtinimo kula cayaaray kooxda Young Africans oo hoggaamineysa tartanka kubadda cagta ee dalkaasi.

3/13/2022 12:46 AM EST
Axad, Maarso, 13, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa in magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug iney ka dhacdo doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Gaalkacyo.

3/13/2022 12:42 AM EST
Axad, Maarso, 13, 2022 (HOL) - Shirwaynahii Xisbiga Barwaaqo ee haya talada dalka Itoobiya oo galay maalintiisii labaad, ayaa galinkii dambe ee maanta waxay xubnaha xisbigu ku doorteen Madaxwaynaha Xisbiga iyo labo ku xigeenno ah.

3/13/2022 12:40 AM EST
Axad, Maarso, 13, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafti ka kooban wasiiro, aqoonyahan iyo ganacsato oo uu hogaaminayo, ayaa shalay galab safar ugu ambo baxay dalka Maraykanka.