Ururka Daacish ee Soomaaliya oo war kasoo saaray hoggaamiyaha cusub ee Daacish


Sabti, Maarso, 12, 2022 (HOL) - Ururka Daacish ee Soomaaliya ayaa ballan qaaday inay daacad u ahaandoonaan hoggaamiyaha cusub  ee Daacish Sheekh Abuu Al-Xasan Al-Hashimi.

newsinsideWarkaan ayaa lagu sheegay farriin gaaban oo kasoo baxday Daacish oo lagu faafiyay barta twitterka, iyadoo farriinta ay kasoo hormuuqdeen dagaalamayaal katirsan Daacish iyo horjoogahooda.

Daacish ayaa farrintaan kasoo dirtay saldhigooda ugu weyn Soomaaliya oo ay ku leeyihiin buuraleyda gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland.

ISIS ayaa Sheekh Abuu Al-Xasan Al-Hashimi u magacawday hogaamiyahooda cusub, waxayna xaqiijisay geerida hoggaamiyahoodii hore ee Abu Ibrahim Al-Qurashi bil ka dib markii lagu dilay weerar ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen gudaha Suuriya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online