4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 9 , 2022
Faysal Cali Waraabe: Maanta arrintan dhacday si kadis ah ayay u dhacday
 

Khamiis, Juun, 9, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, oo warbaahinta la hadlay, ayaa cambaareeyay xabada ciidanka booliisku u adeegsadeen, mudoharaadkii koobnaa ee uu subixii Khamiista xisbiga Waddani ka dhigay Hargaysa.

Faysal waxa uu sheegay in mudaharaadkaasi uu u dhacay si kadis ah oo aan ku talogal ahayn, kadib markii dad  loo carbinayay mudaharaadka ay ciidamada booliisku hor istaageen taasina ay keentay qalalaase.

"Maanta arrintan dhacday waxay ahayd arrin si kadis ah u dhacday, isu soobaxa bad baadada dimuquraadiyada iyo sharciga Somaliland muddo ayaanu kasoo shaqaynaynay, sifiican baanu usoo qurxinay oo aanu usoo qorshaynay, waxa dhacday in qolo ka tirsan xisbiga Waddani oo la wacyigalinayay, in booliisku hor istaagay halkaasi oo uu ka bilaabmay mudoharaad aan ku talo-gal ahayn" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu sheegay in mudaharaadayaashu ay si nabadgalyo ah, isugu soobaxeen lakiin ay ciidamada booliisku xabad huwiyeen.

"Dadkaa mudoharaadayay ee ka cadhooday falkaa booliisku, si nabadgalyo ah, oo akhlaaq leh oo aanu ku talo-galnay ayay ku dhaqaaqeen, lakiin waxaa nasiib daro noqotay in booliis aan tabobarnayn oo hada uun badan koodu tababarka  ku jiraan, ay rasaas iyo gaas kala daaleen"

Faysal waxa uu sheegay in xataa xildhibaano ka tirsa  baarlamaanka ay booliisku beegsaden, oo ay rasaas ku fureen, kuwaasi oo qaarna la xidhay, qaarna la dhaawacay sida xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, waxa uu sheegay in askartu ay cadaawad muujiyeen, waxaana uuu ku baaqay in dadka xidhan lasii daayo.

Faysal si lamid ah xisbiga Waddani waxa uu isna ku dhawaaqay in mucaaradku ay mudoharaadyo balaadhan oo lagu qaban doono dhamaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland, ay qaban doonaan maalinta Sabtida ee inagu soo foodleh.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]