4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 9 , 2022
Xisbiga Waddani oo ku dhawaaqay xiliga ay bilaabmayaan mudaharaadadii ay balan qaadeen
 

Khamiis, Juun, 9, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa ku dhawaaqay in mudaharaadyadii ay balan qaadeen ay si rasmi ah u bilaabmayaan maalinta Sabtida ah 11 bishan Juun.

Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa, kadib mudaharaad kooban oo ay saaka axsaabta mucaaradku ka sameeyeen Hargaysa, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in maalinta Sabtida ay mudaharaadadu si rasmi ah u bilaabanayaan.

"Shacbiga Somaliland gaar ahaan taageerayaasha xisbiga Waddani iyo xisbiga kale ee mucaaradka ahba, iyo shacbiga Somaliland ee nabada iyo horumarka jecel, iyo jamaahiirta taageerta mucaaradka, waxan ku baqayaa oo aan u sheegayaa iso-soo-bixii nabadeed ee aad mudada sugayseen, waxan si rasmi ah ugu dhawaaqaynaa in uu bilaabmayo maalinta Sabtida" ayuu yidhi Cirro.

Cirro ayaa sheegay in banaanbaxyadu ka dhici doonaan dhamaan gobolada Somaliland iyo degmooyinka, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay goobkasta ka dhigaan "Waxaanu ka dhacayaa goob kasta iyo gobol kasta iyo guri kasta iyo degmo kasta".

Xukuumada Somaliland ayaa wacad ku martay in anay ogolaan muddo haraad aan sharciga loo marin, oo xukuumada iyo mucaaradku anay heshiis ka ahayn sida loo maamulayo, goobta uu ka dhacayo iyo wakhtiga la qabanayo, ciidamada booliiska ayaana heegan la galiyay.

Waxa laga cabsi qabaa in khasaare balaadhani ka dhasho mudaharaadyada ay mucaaradku sheegeen in ay Sabtida qabsoomi doonaan, iyadoo mudaharaadkii koobnaa ee ay saaka sameeyeen ay ku dhaawacmeen ilaa 10 qof kadib markii booliisku rasaas u adeegsadeen mudaharaadayaasha.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]