4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 9 , 2022
Wafdi uu hoggaaminayo Abiyi Axmed oo Muqdisho ka degay si ay uga qayb galaan Caleema saarka Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud
 

Khamiis, Juun, 9, 2022 (HOL) - Wafti uu hoggaaminaayo Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed ayaa gaadhay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, si ay uga qayb galaan Caleema saarka Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waftigan Raiisul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Madaxwaynaha Dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar, Wasiirka Maaliyadda ee Itoobiya Axmed Shide iyo masuuliyiin kale oo kamid ah xukuumadda Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed.

Masuuliyiintan ka socday dalka Itoobiya ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay, Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo qaar kamida Golihiisa Wasiirada.

Wafdigan ayaa noqonaya kii labaad ee ka yimaadda dalka Itoobiya, iyadoo maalinimadii shalay ay ONLF oo ka socotay dowlad degaanka Soomaalida ay soo gaartay Muqdisho.

Masuuliyiintan ayaa Muqdisho u yimid si ay uga qaybgalaan munaasabadda Caleema saarka Madaxwaynaha Soomaaliya ee cusub Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda Muqdisho ka socota.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]