4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 9 , 2022
Somaliland: Khasaare ka dhashay mudaharaad ay xisbiyada mucaaradku sameeyeen


Khamiis, Juun, 9, 2022 (HOL) - ku dhawaad 10 qof oo iskugu jira masuuliyiin ka tirsan mucaaradka iyo shicib, ayaa ku dhaawacmay tiro intaa leegna xabsiga ayaa loo taxaabay kadib mudaharaado ay axsaabta mucaaradka Somaliland ka dhigeen caasimada Hargaysa.

Sida uu sheegay guddoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, dadku dhow 10 qof oo ay kamid yihiin xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, xildhibaan Xuseen Aadan Cabdi, xogeeye Maxamed Sadiiq Dhame, xogeeye Cawil Galaydh iyo xogeeye ku xigeen Aftax Siciid Jaambiir, ayay dhaawacyo kasoo gaadheen xabado nool nool oo booliisku ku fureen mudaharaada yaasha.

Xirsi ayaa sidookale sheegay in la xidh xidhay daraasiin qof oo ay kamid yihiin Xildhibaan Saleebaan Food, wasiir hore Cabdillaahi Cukuse, xogeeyaha arrimaha guddaha ee Waddani Maxamed Faarax Cabdi, xogeeyaha warfaafinta ee xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdillahi oo uu sheegay in la xidhay isla markaana la jidh dilay.

Isu soo baxa saaka oo anay dad badani kasoo qayb galin ayuu musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro sheegay in uu ahaa dad ay u tababarayeen sida mudaharaadka loo qabto lakiin ay booliisku xabad nool nool u adeegsadeen.

"Waanu ka xunahay wixii maanta ka dhacay Hargaysa, dad doonayay in aanu tacliimaad siino ku saabsan iso soo baxa nabadeed, oo aanu doonaynay in aanu u warano, ayay xukuumadu u adeegsatay xabado nool" ayuu yidhi Cirro.

Xukuumada Somaliland ayaa balan ku qaaday in aanay marnaba ogolaan isu soobax aan heshiis laga ahayn, iyadoo booliiska Somaliland la galiyay heegan buuxa kadib markii mucaaradka iyo xukuumadu isku afgaran waayeen sida loo maamulayo isu soobaxyada.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]