4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 9 , 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo wada hadalkii ugu horreeyay la yeeshay amiirka dalka Qatar
 

Khamiis, Juun, 9, 2022 (HOL) -  Amiir Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa Arbacadii xalay khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Intii uu socday kulanka waxay kawada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa, iyadoo dib u eegis lagu sameeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee xriirka labada dal.

Amiirka dalka Qatar ayaa mar kale hambalyo u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii dhawaan loo doortay madaxweynaha Soomaaliya, isagoo u rajeeyay guul iyo horumar iyo kobaca xiriirka labada dal.

Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani wuxuu sheegay in dowladdiisa ay si dhow ula shaqeyndoonto madaxweyne xasan Sheikh iyo dowladdiisa, isagoo intaas kusii daray inay haatan dowladda Qatar Barnaamij horumarineed ka wado Soomaaliya.

Qatar ayaa saaxiib dhow la ahayd dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo uu hoggaaminayay, waxaana lagu dhaleeceeyaa inay saameyn iyo faro galin ku haysay arrimaha Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]