4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 9 , 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta lagu caleema saarayo magaalada Muqdisho

Khamiis, Juun, 9, 2022 (HOL) -  Maanta oo Khamiis ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo xaflada caleema saarka madaxweynaha 10-aad ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 15-kii bishii lasoo dhaafay ku guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Muqdisho.

Munaasabadda caleema saarka madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhaceysa Maanta Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, halkaasoo laga dareemayo qabanqaabadii ugu dambeysay ee loogu diyaar garoobayo qabashada xafalada caleema saarka madaxweynaha dalka.

Madax kala duwan ayaa lagu casuumay xaflada caleema saarka Madaxweynaha 10-aad ee dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Jabuuti, Madaxweynaha Kenya, Raysal wasaaraha Itoobiya, Raysal wasaaraha Masar, Madaxweyne ku xigeenka Koofurta Suudaan, iyo madax kale oo ka kale socda waddamada Turkiga, Imaaraadka, Boqortooyada Sacuudiga, Qatar, Cumaan, Maleysiya, Ururka Jaamacadda Carabta, Wakiillada Beesha Caalamka.

Waxaa sidoo kale munaasabadda ka qeyb galaya Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble Madaxweynayaashii hore ee dalka Soomaaliya, Raysal wasaarayaashii hore ee Soomaaliya, madaxweynayaasha maamul gobaleedyada dalka iyo marti sharaf kale.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay waxaana saaka dhaqan galay bandow xalay 10:00-kii fiidnimo lagu soo rogay magaalada Muqdisho, kaasoo socon doona ilaa Maanta 5:00 shanta galabnimo sida uu shaaciyay Raysall wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaana xusid mudan iyadoo bandowga Xalay lasoo rogay fiidkii hore, hadana habeen barkii Xalay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho lagu garaacay tiro madaafiic ah oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online