4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 9 , 2022
Faysal Cali Waraabe: Waa nasiib daro in Somaliland ku jirto qallalaase siyaasadeed
 

Khamiis, Juun, 9, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Somaliland ay gasho muran siyaasadeed xili Muqdisho lagu caleemo saarayo madaxweyne cusub.

"Waa nasiib darro in maanta Muqdisho u dabbaal dagayso caleemo-saarka madaxweynaha la doortay, Somaliland-na ay ku jirto qallalaase  siyaasadeed oo keeni kara dagaal sokeeye.
Illaahayaw badbaadi Somaliland" ayuu yidhi Faysal.

Axsaabta mucaaradka Somaliland iyo xukuumada ayaa isku maandhaafsan, ta soo horaynaysa doorashada madaxtooyada iyo doorashada furista urrurada siyaasada, taasi oo dhalisay khilaaf siyaasadeed oo labada dhinac kala fogeeyay.

Mucaaradka ayaa qaadacay wadahadalo loo balansanaa in ay bilaabmaan dhamadkii bishii May iyaga oo sheegay in madaxweyne Biixi aanu wax tanaasul ah muujin isla markaana, uu go'aan meel dhigtay.

Hadaba, mucaaradka ayaa isku diyaarinaya bannaanbaxyo ay sheegeen in ay kusoo celinayaan nidaamkii dimuquraadiga ahaa iyaga oo ku andacooday in madaxweynuhu uu doonayo in uu daqaada ka tuuro oo uu wakhti dheeraad ah oo sharci daro ah kuriga ku fadhiyo markuu mudadiisa dhamaysto.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]