4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 8 , 2022
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha ONLF oo Muqdisho ka degay maanta
 

Arbaco, Juun, 8, 2022 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Ururka ONLF Cabdiraxmaan Sh Mahdi Maadey ayaa maanta ka degay magaalada Muqdisho, iyadoo wafdigan uu garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyeen qaarka kamida hoggaaminta Ururka ONLF, Xildhibaano, Wasiirka Amniga, iyo qaar kamid ah Jaaliyaadka oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa Muqdisho ku yimid martiqaad ay ka heleen Dowladda Fedaralka Soomaaliya, si ay uga qayb galaan Caleemo saarka Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo dhawaan ka dhici doono magaalada Muqdisho.

Ururka ONLF ayaa noqonaya xisbigii u horreeyay ee Mucaarad ah, ee ka socda dowlad degaanka Soomaalida, kaas oo ka qayb gali doona Caleema saarka Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

ONLF ayaa kamid ah Ururada ugu tunka iyo taariikhda wayn ee geyiga Soomaalida, iyadoo Soomaaliyana ay kamid ahayd meelihii sida wayn ay uga beermeen ururadii halganka Soomaaliyeed oo ay kamid tahay Ururka ONLF.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]