5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 8 , 2022
Nin hubaysan oo lagu qabtay agagaarka guriga Garsooraha Maxkamadda sare ee Mareykanka
 

Arbaco, Juun, 8, 2022 (HOL) - Nin hubaysan oo horay ogu hanjabay Garsooraha Maxkamadda sare ee Mareykanka - Brett Kavanaugh, ayaa lagu qabtay agagaarka guriga uu deggan yahay garsooraha sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay maxkamadda sare.

Afhayeen u hadlay maxkamadda, ayaa sheegay in ninka hubeysan lagu xiray meel u dhow guriga Garsooraha, wuxuuna intaas ku daray in ninkaas uu horay hanjabaad ugu jeediyay garsoorka Maxkamadda Sare.

Dhanka kale saraakiisha booliiska ayaa xaqiijiyay in meel aanan ka fogayn hoyga garsoore Kavanaugh ay ka qabteen ninkaas hubaysnaa abaare 1:50 subaxnimo, loona gudbiyay saldhiga booliska degmada Montgomery ee gobalka Maryland.  

Waxay intaas ku dareen bilayska degmada Montgomery, in ninka la qabtay uu ka yimid gobolka California, uuna horay hanjabaad ogu jeediyay Garsooraha Maxkamadda sare ee Mareykanka.

Arrintaan ayaa ku soo beegmeyso xilli dhawaanahaan ay sare u kaceen hanjabaadaha ka dhanka ah maxkamadda iyadoo ay socoto doodda xuquuqda ilmo iska soo rididda qaranka iyo mudaaharaadyada ka dhacay guud ahaan Mareykanka.

Waaxda amniga gudaha Mareykanka ayaa bishii hore soo saartay qoraal digniin ah oo ay uga digayso sharci fulinta inay jiraan khataro ku wajahan xubnaha Maxkamadda Sare. Booliiskuna waxay kordhiyeen ammaanka garsoorayaasha ka dib markii bishii hore la faafiyay fikrad qabyo ah oo soo jeedinaysa in garabka muxaafidka ee maxkamaddu ay isku diyaarinayaan, baabi'inta go'aankii la gaaray sannaddii 1973-dii ee loo yaqiinay Roe v. Wade.

Ugu dambeyn Roe v. Wade waa go’aan taariikhi ah oo ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Maraykanka kaas oo ay Maxkamaddu ku xukuntay in Dastuurka Maraykanku ilaaliyo xorriyadda haweeneyda uurka leh, si ay u doorato in ay iska soo xaaqdo ilmaha uurka ku jiro iyada oo aan la xaddidin isla markaasna ay tahay xuquuq dastuuri ah.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected]