4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 8 , 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo magacaabay la taliyayaal cusub

Arbaco, Juun, 8, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa magacaabay labo lataliye oo cusub oo ku biiraya la taliyayaal hore oo uu dhowaan magacaabay.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa Dr. Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow u magacaabay La-Taliyihiisa Arrimaha Dastuurka, halka uu Axmed Cabbaas Axmed u magacaabay la tayihiisa Arrimaha Federaalka.

Labada masuul ee madaxweynuhu uu magacaabay ayaa ah labo shakhsi oo heer sare ka gaaray dhinaca waxbarashada, balse xilal siyaasadeed oo la taaban karo aan soo qabanin.

Proff: Axmed Cabaas oo kasoo jeeda Puntland ayaa kamid ahaa  siyaasiyiin xilka madaxweynaha Puntland iskusoo sharraxay sannadkii 2014, wixii intaas ka dambeeyay siyaasada kamasoo muuqan. Dhinaca waxbarashada ayuu u badnaa.

Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow isagu wuxuu markii ugu dambeeyay ahaa la-taliyihii  Arrimaha Nabadeynta iyo Dib u heshiisiinta ee xukuumadii raysal wasaare Kheyre.

Dr, Cabdiraxmaan Baadiyow, waa aqoonyahan waqtigiisa galiyay dhinaca tacliinta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]