5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 8 , 2022
Machadka CPA oo warbixin kasoo saaray khilaafka siyaasadeed ee Somaliland
 

Arbaco, Juun, 8, 2022 (HOL) - Machadka daraasaadka siyaasada ee CPA ee xaruntiisu tahay Hargaysa, ayaa soo jeediyay in dhexdhexaadin lagu dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya xukuumada iyo mucaaradka Somaliland.

Warbixin ka kooban 12 bog oo uu machadku kaga hadlay guud ahaan khilaafka siyaasadeed ee hada ka taagan Somaliland iyo sida xal waara loogu heli karo, ayaa machadku ku sheegay in loo baahanyahay in la helo xal mudo gaaban ah oo wax lagaga qabto ismaandhaafka hada.

"Waa in la helaa xal mudo gaaban ah si looga baxo xaalada hada ee cakiran, waxa muhiim ah in la helo cid saddexaad oo lagu kalsoonyahay si ay u dhexdhexaadiso axsaabta siyaasada" ayaa lagu yidhi warbixinta CPA.

Warbixinta ayaa inta ku dartay in loobahanyahay in cida dhexdhexaadinaysa dhinacyada is hayaa ay sifiican u fahansantahay halka uu khilaafku salka ku hayo "Dhinacyada is khilaafsani way soo bandhigeen halka ay kala taaganyihiin, lakiinse waxa muhiim ah in la fahmo, dhinacwalba danta uu leeyahay iyo cabsida uu qabo".

Warbixintu waxay sheegtay in marka laga yimaado xalka mudada dhow ee loola gol leeyahay in lagu xaliyo khilaafka taagan, ay lagama maar maan tahay in la helo xal waara, xalkaasi oo ku iman kara in wax ka badal iyo dhamaystir lagu sameeyo shuruucda iyo in hay'addaha doorashooyinka ku shaqada leh lasiiyo madaxabannaani balaadhan.

Waxay intaa ku dartay in khilaafka maanta ay sabab u tahay dib u dhaca ku yimid doorashadii golayaasha deeggaanka oo ay ahayd in la qabto sannadkii 2017 lakiin aan suurogalin, taasi oo hadii ay dhici lahayd mar kale maanta la is raacin lahaa doorashada urrurada siyaasada iyo golayaasha deegaanka oo khilaafka yarayn lahayd.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]