4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 8 , 2022
Madaxweynaha koonfur Galbeed oo guddoomiyayaal cusub u magacaabay gobolada Baay iyo Bakool
 

Arbaco, Juun, 8, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa Cabdifitaax Maxamed Ibraahim u magacaabay guddooomiyaha gobolka Baay, wuxuuna sidoo kale xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka Bakool iyo ku xigeenkiisii amniga iyo siyaasada.

Guddoomiyihii hore gobolka Baay Cumar Cali Isaaq (Cumar Balash) ayaa dhowaan ku biiray barlamaanka aqalka hoos ee Soomaaliya, isagoo baneeyay xilkiisii guddoomiyinimo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale guddoomiyaha Bakool u magacaabay Maxamed Cabdi Maxamed (Tool), halka ku xigeenkiisa loo magacaabay, Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Isbeddelka cusub ee madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ku sameeyay gobolada Baay iyo Bakool ayaa kusoo beegmaya, iyadoo qaar kamid ah golihiisa xukuumada ay ku biireen barlamaanka aqalka hoose ee Soomaaliya.

Wuxuu dhowaan isbeddel ku sameeyay golaha wasiiradda maamulkaas islamarkaana uu soo magacaabay wasiirro cusub.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]