4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 8 , 2022
Faahfaahino kasoo baxaya qaraxyo khasaare geystay oo lala eegtay ciidamo ka tirsan Booliiska dalka Kenya
 

Arbaco, Juun, 8, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya laba qarax oo is xigxigay oo lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidanka Booliiska dalka Kenya, xili ay marayeen inta u dhaxeysa deegaanada Ijaara iyo Sangaa'ilow oo ah deegaano hoostaga magaalada Lamu.

Qaraxyada lala eegtay askarta ka tirsan Booliiska Kenya ayaa la sheegay inuu haleelay mid ka mid ah gadiidka ay saarnayeen Booliiska Kenya oo lagu magacaabo Kooyal, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Masuuliyadda weerarka qaraxyada waxaa sheegtay dagaalamayaasha Al-shabaab oo war qoraal ah ay ku daabaceen baraha ay ku leeyihiin Internetka, waxay ku sheegeen in qaraxyada is xigxigay mid ka mid ah uu qabsaday gaadiidka Booliiska Kenya, islamarkaana uu ku dhintay nin Injineer ah oo u dhashay wadanka Shiinaha.

Ciidamada Kenya ee qaraxyada lala eegtay ayaa la sheegay inay howlgalo koobaan ka sameeyeen nawaaxiga halka qaraxyada lagula beegsatay, hayeeshee markii dambe ay iska sii wateen socdaalkoodii, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Booliska Kenya ee gobolka Waqooyi Bari, waxaana qaraxyadaani ay kusoo beegmayaan xili todobaadkii lasoo dhaafay sidaan oo kale ciidamada Booliska Kenya qarax lagula eegtay duleedka Magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online