4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 8 , 2022
Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Xalay markale lagu dilay dalka Koofur Afrika
 

Arbaco, Juun, 8, 2022 (HOL) - Waxaa Xalay lagu dilay wadanka Koofur Afrika laba muwaadin oo ka mid aheyd dhalinyarada Soomaaliyeed ee u ganacsi tagtay dalkaasi Koofur Afrika.

Burcad hubeysan oo u dhalatay dalka Koofur Afrika ayaa labada muwaadin waxay xalay ku dileen meel aan ka fogeyn goobahooda ganacsi oo ku yaala Xaafada Khayelitsha ee magaala xeebeedka Cape Town.

Labada muwaadin ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Yuusuf Jowhar iyo Yaasiin Cumar, waxaana goobta lagu dilay si deg deg ah uga baxsatay burcadii fulisay dilka labada wiil ee Soomaalida ah.

Waxaa sidoo kale lagu toogtay halka lagu dilay dhalinyarada Soomaaliyeed laba nin oo dhalasho ahaan kasoo jeeda wadanka Malawi kuwaas oo ay burcada ku toogteen isla goobtii ay ku dileen labada muwaadin ee Soomaaliyeed.

Dilka labada muwaadin ee Soomaaliyeed ayaa kusoo beegmaya xili 48-kii saacadood ee ugu dambeeyay halkaasi lagu dilay sadax kale oo dhalinyaro Soomaaliyeed ahaa oo lagu kala magacaabi jiray Cali Maxamed Xasan Balaakii, Cabdirashiid Axmed Sheekh Maxamuud iyo Mowliid Yare, kuwaas oo lagu dilay deegaanka Strand oo ka tirsan Magaalada Cape Town.

Dalka Koofur Afrika waxaa si joogta ah loogu dila Muwaadniinta Soomaaliyeed ee wadankaasi u tagay iney ka dhex ganacsadaan, waxaana dowladda Koofur Afrika mar walba ay sheegta iney wax ka qabaneyso dilalka iyo dhaca lagu haayo dadka ajaaniibta ah ee ku sugan wadankeeda oo ay ugu horeyaan Soomaalida.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online