4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 8 , 2022
Maxaa sababay cillada ku timid internet-ka dalal ay Soomaaliya kamid tahay?
 

Arbaco, Juun, 8, 2022 (HOL) - Adeegga internetka ee qaybo ka mid ah dalalka Afrika iyo Bariga Aasiya ayaa ciladi ku timid taladaadii shalay.

Hay'adda Netblocks oo qaabilsan la socodka internetka ayaa sheegtay inay u badan tahay burbur weyn oo gaaray fiilooyinka badda hoostooda mara.

Soomaaliya, Jabuuti, Tanzania, Madagascar iyo Pakistan ayaa ka mid ah dalalka ay dhibaatadu saameysey, iyadoo dhibaatadan loo aaneynayo go’itaanka isku xirka AAE1 iyo SMW5 oo ah fiilooyin badda hoosteeda mara sida ay sheegtay Netblocks.

Fiilooyinka internetka ee Aasiya, Afrika iyo Europe ee badda hoosteeda mara, oo loo yaqaano AAE1, waa mid ka mid ah afar hab oo waaweyn oo isku xidhka internet-ka qaaradaha iyo 19 waddan.

Ilaa 380 xadhkaha badda hoosteeda ah ayaa ah laf-dhabarta internet-ka caalamka, balse khubaradu waxa ay muddo dheer ka digayeen in ay u nugul yihiin dhibaatada ay u geysan karaan barroosinnada maraakiibta iyo dhagaxyada badda hoosteeda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]