4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 8 , 2022
Yaasiin Farey oo markii ugu horreysay ka hadlay waxa uu ka ogyahay dilkii Ikraan Tahliil
 

Arbaco, Juun, 8, 2022 (HOL) - Taliyihii hore ee hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka ee NISA, xildhibaan Yaasiin Farey ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dilkii Ikraan Tahliil Faarax iyo waxa uu ka ogyahay.

Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa sida ay NISA horey u sheegtay wuxuu ku adkaystay in dilka Ikraan Tahliil ay ka dambeeyaan ururka Alshabaab, ayna caddayn buuxda oo arrintaan ku saabsan u gudbiyeen hay’addaha garsoorka iyo madaxda dalka.

Yaasiin Farey wuxuu sheegay NISA inay dadaalkeedii ugu xoogganaa ka geysatay baarista kiiskaan, laakiin wuxuu tilmaamay in kiiska Ikraan la siyaasadeeyay oo dusha laga saaray dad uu sheegay in aanay wax lug ah ku lahayn.

Yaasiin wuxuu beeniyay in Ikraan laga afduubtay gurigeeda oo kuyaallay xarunta nabad sugida, halkaas oo ah goob ammaankeeda aad loo ilaaliyo oo Alshabaab aysan ka sameyn karin afduubasho.

“Meel laga watay iyo inay dalka ka baxday cid og illaa iyo hadda malahan. Baaritaaan la sameeyay iyo xogta la helay waxay sheegeen inay afduubeen oo u gacan gashay Alshabaab,”ayuu yiri Yaasiin Farey.

Inkastoo Alshabaab ay beeniyeen oo iska fogeeyeen dilka Ikraaan Tahliil, haddana taliyihii hore ee nabad sugida wuxuu sheegay in Alshabaab ay dantooda  ka dhex arkeen inaysan sheegan dilkeeda.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]