4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 7 , 2022
Somaliland oo amar kasoo saartay ka qaybgalka ardayda ee mudaharaadyada

Talaado, Juun, 7, 2022 (HOL) - Wasaarada Waxbarashada Somaliland, ayaa ardayda iyo howlwadeenada waxbarashada uga digtay in ay ka qaybgalaan mudaharaadyada laga yaabo in axsaabta mucaaradku sameeyaan.

"Anaga oo ka duulayna muhiimada daganaanshaha iyo xasiloonidu u leeyihiin habsami u socodka iyo horumarinta waxbarashada ... waxan idinku wargalinaynaa in ay ka reebantahay dhamaan ardayda iyo howlwadeenada waxbarashada, in ay ka qayb qaataan isu-soobaxyada xeerarka dalka baal marsan" ayaa lagu yidhi wareegto kasoo baxday wasaarada waxbarashada.

Hoos ka dheeho wareegtada wasaarada oo faah faahsan:-



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]