4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 7 , 2022
Kulan looga hadlaayay amniga xaflada caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta ka dhacay magaalada Muqdisho
 

Talaado, Juun, 7, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay sugida amniga Caasimadda Muqdisho oo loogu diyaar garoobayo xaflada caleema saarka madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa oo ka qeyb galay masuuliyiin ay ka mid ahayeen Wasiirka Wasaarada Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Taliyeyaasha qeybta guud ee Booliska iyo Nabadsugida, dhamaan Saraakiisha Saldhigyada iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana kulanka lagu lafa guray sidii loo sugi lahaa amaanka Caasimadda oo saacadaha soo socda ay soo gaari doonaan madax kala duwan oo ka qeyb galeysa caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya.

“Shirkaan ayaa la iskula dardaarmay in ahmiyad guud la siiyo maalinta 9-ka june 2022 oo ku beegan Khamiista soo socota oo ay dhici doonto caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Maamulka gobalka Banaadir.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka codsaday shacabka ku nool magaalada Muqdisho iney dulqaad iyo adkeesi muujiyaan mudada labada maalmood ah ee Arbacada iyo khamiista ay wajahi doonaan culeyso la xariira xaalad amni sida uu sheegay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Dheere.

Bartamahii bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii shacabka magaalada Muqdisho sidaan oo kale bandow qaatay laba maalmood lagu soo rogay, kaasoo la xariiray sugitaanka amaanka doorashadii dalka ka dhacay ee lagu doortay madaxweynaha la caleema saari doono maalinta Khamiista ah ee soo socota.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online