4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 7 , 2022
Baydhabo: Goob fagaare ah oo lagu qisaasay nin dilay haweeney kadibna maydkeeda ku riday Boosaneer
 

Talaado, Juun, 7, 2022 (HOL) - Maxkamad kutaala magaalada Baydhabo ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Maxamed Axmed Xasan (Goomeey) oo ka dambeeyay dilka haweeney lagu magacaabi jiray Aamino Maxamed Cusmaan.

Ninkaan ayaa xukunkiisa dilka ah waxaa lagu fuliyay goob fagaare ah oo ay ku sugnaayeen boqolaal dadweyne ah, si ay goob joog uga noqdaan fal qisaas ah oo lagu fuliyay gacan ku dhiiglaha.

Maxkamada ayaa sheegtay in ninkaan uu Mindi ku dilay haweenayda kadibna uu ku dhex riday Boosaneerka gurigiisa si aan loo arag maydkeeda, loona helin wax raad ah oo ku saabsan dilkeeda.

Booliiska koonfur Galbeed ayaa marxuumada maalmo kahor maydkeeda kasoo saaray Boosaneerka guriga ninkaan qirtay inuu dilay, kadib baaritaan maalmo socday oo lagu guulaystay in la helo caddeymo buuxa.

Haweeneyda uu dilay oo ahayd ganacsato laga yaqaanay magaalada Baydhabo ayaa dayn badan ku lahayd isaga.

Waxaa dhacday inuu galab ugu yeeray gurigiisa si uu lacagteeda usiiyo, halkaas oo uu ku dilay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]