4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 7 , 2022
Taliyaha ciidamada Burundi oo Muqdisho tagay si uu ugu kuur galo xaaladda ciidamada dalkiisa
 

Talaado, Juun, 7, 2022 (HOL) - Taliyaha guud ee ciidamada Burundi Gen. Prime Niyongabo oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya ayaa la kulmay madaxda Soomaaliya iyo taliyeyaasha ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) si uu u arko horumarka la gaaray. gudashada waajibaadkii loo igmaday.

Gen. Niyongabo ayaa booqday cutubyo ka tirsan ciidamada Burundi ee qeybta ka ah ATMIS ee fadhigoodu yahay magaalada Jowhar, si uu ugu kuur galo xaaladooda iyo saameynta weerarkii ciidamada Burundi lagu qaaday dabayaaqada bishii abril ee tagtay.

Gen. Niyongabo  ayaa la kulmay dhiggiisa Gen. Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Gen. Niyongabo ayaa sidoo kale waxa uu Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku booqday Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ugu hambalyeeyay Madaxweynaha mar kale xilka loo doortay.

Bishii Abril, Alshabaab ayaa sheegay inay 170 askari oo katirsan ciidamada Burundi ku dileen weerar xooggan oo ay ku qaadeen saldhig ciidamada Burundi ku lahaayeen Ceel Baraf, iyagoo cagta mariyay saldhigaas.

Dowladda Burundi ayaa beenisay sheegashada Alshabaab, waxayna sheegtay in 30 askari ay kaga dhinteen weerarkaas, qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]