4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 7 , 2022
Wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho oo saaka Xiran

Talaado, Juun, 7, 2022 (HOL) - Waxaa saaka xiran qaar ka mid ah wadooyinka muhiimka u ah isku socodka magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, halkaas oo lagu arkayo ciidamo farabadan oo Booliis ah iyo gadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan.

Wadooyinka xiran saaka waxaa ka mid ah Maka Almukarama, Isbitaalka xoogga, Isgoysyada lamabar afar, Soobe iyo wadada 21-ka Oktoobar ee magaalada Muqdisho.

Dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa saaka lugeynaya laamiyada u xiran ciidanka dowladda Soomaaliya, mana jiraan wax gaadiid dadweyne ah oo shaqeynaya, marka laga reebo gaadiidka wada ardada iyo kuwa dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee waaxaa xusid mudan in meelaha qaar aanan loo ogoleyn shacabka in ay ku lugeyaan waxaana lagu amrayaa in ay isaga laabtaan, taasi oo caqabad dheeraad ku sii ah dadka shacabka ah.

Majirto wax faahfaahin oo kasoo baxay laamaha amaanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan sababta loo xiray wadooyinka muhiimka ah, waxaana soo baxaya warar sheegaya in loo xiray u diyaar garowga madax sare oo kasoo qeyb galeysa xaflada caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wado in Muqdisho ka dhacdo maalinta Khamiista ee socota.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online