4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 6 , 2022
Abaarta Soomaaliya: QM oo musiibo ku tilmaamtay 213,000 qof oo halis ugu jira inay macluul u geeriyoodaan
 

Isniin, Juun, 6, 2022 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa ka digtay dib u dhaca ka jawaabida looga hortagayo macluusha ka jirta Soomaaliya, iyadoo in ka badan 200,000 oo qof ay qarka u saaran yihiin inay u dhintaan macluul.

Qaramada Midoobay ayaa musiibo degdeg ah ku tilmaamtay xaaladda 213,000 qof oo ka mid ah dadka ay sida xun u saamaysay abaarta, kuwaas oo qeyb ah qiyaastii 7.1 milyan oo Soomaaliya ku nool.

Afar xilli roobaad oo xiriir ah ayay Soomaaliya wajahday Roob yaraan, taasoo sababtay abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah kadib.

“Waa inaan si deg deg ah wax uga qabanaa sidii looga hortagi lahaa masiibo bini’aadantinimo,” El-Khidir Daloum, oo ah madaxa hay’adda cunnada Adduunka ee Soomaaliya, ayaa ku yiri warbixin uu soo saaray isniinta maanta.

Tirada dadka ay soo food saartay gaajada iyo macaluusha ayaa kor u kacday 160% tan iyo bishii Abriil, sida ay sheegeen hay'adda Cunnada iyo Beeraha (FAO) iyo hay’adda ka digta Macluusha ee uu Mareykanku maalgeliyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]