4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 6 , 2022
Madaxweynaha cusub oo wacad ku maray in al Shabaab uu la hadli doono marka uu dib u riixo

Isniin, Juun, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay wargeyska todobaad laha ee The Economist ee ka soo baxay dalka Britain, ayaa sheegay in uu qaadi doono dagaal ka dhan ah kooxda al Shabaab, kaddibna wada-hada uu la furi doono.

Al-Shabaab ayaa si weyn ugu xidideystay deegaannada ay maamulaan, iyagoo ganacsatada ka qaada lacago caddaan ah. Madaxweynaha cusub ayaa sheegay in Al-Shabaab ay maanta qaaddo canshuur ka badan inta ay qaadeyso dowladda Federaalka.

Ganacsatada maxalliga ah ayaa sheegaya in kooxdu ay si nadiif ah oo hufan u dhexdhexaadiso khilaafaadka sharciga ah marka la bar-bar dhigo maxkamadaha rasmiga ah. "Waxay dhisteen dawlad-goboleed ku dhex yaalla dowlad kale," ayuu yiri madaxweynuhu.

Haddaba madaxweynuhu ma leeyahay qorshe isku xiran oo uu kula dagaallamo al Shabaab? "Si looga adkaado al-Shabaab dowladdu waa in ay ku tartantaa adeeg bixinta," ayuu ku dooday Axmed Cabdullaahi Sheekh, oo ahaa taliyihii hore ee ciidanka Danab, oo ah cutub ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ee uu tababaray Maraykanku.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xiriir la leh Ikhwaanul Muslimiinka, ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay fikirka ah. “Aragtideydu waa in aan al Shabaab ka qaadno qisooyinka Islaamiga, kaddib aan dadka tusno in dowladdu ay ilaaliso caqiidadooda. Tani waxay la macno tahay in la qaado dagaalo badan oo fool ka fool ah.”

Waxaa laga yabaa in taasi ay yartahay, xalkana uu ku jiraa in loo baahan doono wada xaajood lala galo kooxda al Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh mudo xileedkii hore ee uu joogay xafiiska, waxa uu isku dayay in uu kasbado kuwa kasoo goosta al Shabaab, kaddibna waxaa uu u ballanqaaday in uu siinayo cafis.

Hadda waxa uu qirayaa in dagaalku uu ku dhammaan doono miiska wada xaajoodka- laakin wali lama gaarin midaasi. Weerarkii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab lagu qaado waxaa uu dhacay sannadkii 2019.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu damacsan yahay in uu qaado dagaal cusub, oo marka hore lagu xakameynayo dagaallamayaasha al Shabaab, kadibna uu dib ugu riixayo dhulka baadiyaha ah. Aragti ahaan wada-hadallada ayaa markaa bilaaban kara. Ficil ahaan tani waxay qaadan kartaa sanado. Waxaa hubaal ah in al-Shabaab ay muujiyeen adkaysi iyo diirranaan arxan darran.

Mudo xileedkii hore ee madaxweynaha waxaa uu ahaa mid isku qasan. Golihiisa wasiiradu waxay ahaayeen kuwo aan degganayn. Musuq-maasuqa ayaa si gaar ah u baahay. Si la mid ah madaxweynihii xilka kala wareegay ee Farmaajo wuxuu ku guul darreystay inuu abaabulo doorasho toos ah oo waqtigii loogu talo galay ku qabsoonta, taa beddelkeedana wuxuu dejiyay mid dadban oo xubnaha baarlamaanka ay soo doorteen ergo ay soo xuleen ilaa 14,000 oday beeleed. Isagana si dadban ayaa loo doortay.

Markan, in kasta oo madaxweyne Xasan Sheekh uu la yimid isagoo ku hubaysan khibrad iyo kayd niyad wanaag ah wuxuu u baahnaan doonaa inuu ka faa'iidaysto labadaasi arrimood.

Madaxweynihii isaga ka horeeyay ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa lagu eedeeyay in uu la dagaallamy maamullada Puntland iyo Jubbaland, isagoona soo dhoweystay saddexda maamul ee kale.

Qof kasta oo maamula dalka Soomaaliya waxaa muddo hortaagnaa shabakado daacad u ah qabiilo oo caqabad ku ah soo ifbaxa dareenka dhabta ah ee midnimada qaranka.

Farmaajo ayaa la dagaalay xulufada shisheeye, isagoo soo dhoweystay dowladaha Qatar iyo Turkiga, sidoo kalena ka dheeraaday wadamada kale ee saamaynta ku leh Khaliijka. Waxa uu dagaal la galay Kenya iyo Jabuuti oo daris la ah. Isagoona farxad geliyay madaxweynaha dalka Eritrea Issaias Afwerki.

Madaxda caalamka ayaa si deg-deg ah u taageeray madaxweynaha cusub, waxaana la filayaa in madaxweynaha dalka Kenya uu ka qeyb-galo caleema saarka madaxweynaha oo dhici doonta 9-ka bishan – waana astaan muujineysa in uu soo laaban karo xiriirkii diblomaasiyadeed ee xumaaday dhowr bil ka hor.

"Ma xamili karno cadow dibadda ah," Mr Maxamuud ayaa sharaxay.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]