4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 6 , 2022
Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo xukuno kala duwan ku riday askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya

Isniin, Juun, 6, 2022 (HOL) - Maxkamadda ciidamada Qalabka sida qeybta 27-aad ayaa Maanta xukuno kala duwan ku riday afar askari oo ka tirsaneyd ciidanka dowladda Soomaaliya oo ku eedeysnaa dambiyo kala duwan.

Xukunka Maxkamadda ay Maanta ku riday afarta askari ee ka tirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa ka dhacay degmada Dooloow ee gobolka Gedo, waxaana Maxkamadda kasoo hor muuqday marqaatiyaal ku caddeeyay dambiyada kala duwan ee loo heystay.

Afarta askari ee xukunka kala duwan lagu riday Maanta ayaa kala ah, Dable NISA Bukhaari Axmed Maxamuud oo lagu xukumay dil Toogasho ah, Salmaan Ibraahim Shire oo isna lagu xukumay toogasho, halka Dubad Axmed Xuseen Cilmi lagu Xukumay saddex sano oo xabsi ciidan ah iyo Sharma’arke Muxumed Cali oo ay Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ku xukuntay sanad xabsi ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka sida qaybta 27-aad ayaa sidoo kale sheegay in la Maxkamadeyn doono dhamaan eedeysanayaasha kala duwan ee xukun ee ku xiran xabsiyada gobolka Gedo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online