4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 6 , 2022
Waa kuma madaxda ka qeyb galaysa caleemo saarka madaxweyne Xasan Sheikh?

Isniin, Juun, 6, 2022 (HOL) - Munaasabada caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud oo lagu wado inay dhacdo todobaadkan, ayaa haatan qaban qaabadeeda laga dareemayaa magaalada Muqdisho.

Dowlada federalka Soomaaliya ayaa diyaar garow xooggan ugu jirta soo dhowaynta wafuud heer caalami ah oo Muqdisho uga qeyb galaya caleemo saarka madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Waxaa haatan Muqdisho tagaya wafdiyo horudhac ah oo ka wakil ah qaar kamid ah madaxda Afrikaanka ee lagu casuumay xafladda caleemo saarka madaxeynaha.

Warar aan helno waxay sheegayaan in Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ay yihiin madaxda la xaqiijiyay inay ka qeyb galayaan caleemo saarka madaxweynaha.

Qaar kamid ah madaxdan ayaa horey siyaasada ugu kala fogaaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ku eedeeyay inay dalalkan faro galin ku hayaan siyaasada arrimaha gudaha Soomaaliya. Halka qaar kalena uu la ahaa saaxiibo ay si dhow u wada shaqeeyaan.

Madaxweyne Xasan Sheikh waxaa horyaala inuu caadi ka dhigo xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee ay dowladda Soomaaliya la lahayd dalalka deriska.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]