4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 6 , 2022
3 askari oo ka tirsan ciidamada booliska Kenya oo ku dhaawacmay qarax miino oo ka dhacay deegaan ku dhow Gaarisa
 

Isniin, Juun, 6, 2022 (HOL) - Saddex askari oo katirsan booliiska dalka Kenya ayaa ku dhaawacmay Qarax lagula beegsaday meel ku dhow degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Booliska ayaa sheegay in askartan ay ka mid ahaayeen koox galbinaysay kolonyada xildhibaan lagu magacaabo Ibraahim Cabaas oo ka tirsan baarlamaanka Ijara kuna sii jeeday degmada Hulugho markii la weeraray.

"Darawalka iyo askar kale ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah," ayay booliisku ku sheegeen warbixin ay weerarkan kasoo saareen.

Booliska ayaa weerarkan ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab, waana weerarkii labaad oo todobaad gudihiis ka dhaca gobolka Gaarisa.

1-dii bishii June, rag hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa weerar ku dhaawacay askari ka tirsan ciidamada ammaanka oo marayay wadada isku xirta Bura iyo Gaarisa.

Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaaday deegaano ka tirsan gobolkaasi, gaar ahaan degmooyinka Mandheera iyo Gaarisa, halkaasi oo ay ku bartilmaameesadaan shaqaalaha amniga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]